Banaabax Balaaran oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Banaabax Balaaran oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
SHARE

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Taaladda Daljirka Daahsoon ee Degmada Boondheere maanta waxaa ka dhacay Banaanbax uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo lagu taageerayay Golaha Wasiirada cusub ee Talaadadii ina dhaaftay uu soo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Banaanbaxan oo la filyay in uu qabsoomo shalay ayaa baaqday, sababo farsamo awgeed, maanta ayuuna dhacay, waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiinta Gobolka iyo Dadweyne kala duwan oo isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Banaanbaxan ka hadlay ayaa sheegay is qab qabsi iyo is jiid jiid in laga soo daalay, loona baahan yahay in horey loo socdo.

Waxa uu sheegay isu soo baxan in uu muujinayo taageerada loo haayo Golaha Wasiirada cusub, isaga oo sidoo kale tilmaamay shacabka Soomaaliyeed awoodooda in aysan qarsooneyn, wuxuuna sheegay shacabka Soomaaliyeed in ay doonayaan in la ansixiyo Golaha Wasiirada cusub.

Dhanka kale Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa soo hadal qaaday xuquuqda Gobolka Banaadir, wuxuuna tilmaamay xuquuqda Gobolka Banaadir muhiim in ay tahay in la helo.

Golaha Wasiirada cusub ayaa ka kooban 68 xubnood, oo ay kala yihiin Ra’iisal Wasaare Ku xigeen, 26 Wasiir, 26 Ku Xigeeno iyo 15 xubnood oo Wasiiru Dowlayaal ah.

LEAVE A REPLY