Askar Kenyan ah oo Lagu Dilay Koofurta Somalia

Askar Kenyan ah oo Lagu Dilay Koofurta Somalia

0
SHARE

DHOOBLEY (Garsoor Online) — Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in ay dileen 14 kamid ah ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliyaa.

Al Shabaab ayaa sheegay in qarax miino oo ay la haleeleen gaari ay la socodeen ciidanka Kenya oo marayay deegaanka Hawina oo u dhaw Dhoobley ay ku dileen 14 askari.

Wararka ayaa sheegay in qaraxa kaddib ay goobta soo gaareen ciidamo kale oo Kenyan ah kuwaasi oo gurmad u sameeyay.

Ciidamada la qarxiyay ayaa ku sii jeeday dalka Kenya, waxana ay ka soo baxeen deegaanka taabta ee isala gobolka Jubadda hoose.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Kenya oo ku aadan askartan looga dilay qarax ka dhacay deegaan ku dhaw Magaalada Dhoobley.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY