Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo Lagu Dilay Bay

Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo Lagu Dilay Bay

0
SHARE

DIINSOOR (Garsoor Online) — Sida aya sheegteen Xarakada Al Shabaab , weerar ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidanka dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Al Shabaab ayaa sheegay in weerar jid gal ahaa ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya oo marayay duleed degmada Diinsoor.

Warbaahinta AL Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen 4 askari oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda, isla makraanka hubkii ay wateen ay ka qaateen sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamadii kale ee la socday afarta Askari ee la dilay ayaa dib ugu laabtay degmada Diinsoor, waxana ay ciidamada dowladda ay halkaasi ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Degmada Diinsoor ayaa ku jirta gacanta ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, hase ahaatee Al Shabaab ayaa ku sugan tuulooyinka hoostaga degmadaasi waxana ay fuliyaan weeraro iyo falalka ay ku waxyeeleeyaan ciidanka dowladda.

Garsoor Online — DIINSOOR

LEAVE A REPLY