AQRISO- Magacyada iyo Beelaha Golaha Wasiirada Cusub ee lagu dhawaaqayo

AQRISO- Magacyada iyo Beelaha Golaha Wasiirada Cusub ee lagu dhawaaqayo

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Garsoor Online ayaa heshay Magacyada iyo Beelaha ay ka soo jeedaan Wasiirada Cusub ee uu ku dhawaaqayo Mudane Xasan Cali Kheyre.

Liiskani ayaa ah mid hordhac ah islamarkaana aanu ka helnay Xafiiska Xasan Cali Kheyre haddii ay san Wax iska badelin Saacadaha Soo Socda.

Cali Xaaji Warsame

Waa Ka Soo Jeeada Beesha Daarood, Majeerteen,Cumar Maxamuud waxaa uu ka mid ahaa  Musharaxii xilka Madaxtanimo ee Soomaaliya u tartamay waxaa uu horay u ahaa Maamulihii Shirkkada Goolis ee Puntland.

Zakariye Maxamuud Cabdi

Waa u Dhashay  Daarood, leelkase zakariye waxaa uu ka mid ahaa Ragii Musharxiinta ee Xildhibanada ku baarujiyey in Farmaajo ay doortaan islamarkaana Khudbad qiiro badan jeediyey inta ay san Doorashada Bilaaban.

Axmed Gaboobe

Waxaa u dhashay Beesha Dir, gaadsan Axmed Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir,

waa Reer Ow xasan wuxuuna ka mid yahay Ninkii badalay Faarax Sheekh Cabdi qaadir booskiisa islamarkaana uu taagan yahay hadda meeshii Faarax.

Xildhibaan Cabdulaahi Carab,

Waxaa uu ka soo jeedaa Beesha Dir, Sure waa nin Ganacsade ah islamarkaana ku cusub Saaxada Siyaasada wuxuuna ka mid yahay ragii bixiyey lacagihii lagu doortay Farmaajo.

Cabdi Qaadir Cosoble Cali

Waa Nin Ka Soo Jeeda Beesha Abgaal Cusmaan, Harti Abgaal, Warsan gali waxaa uu ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay Xilk Madaxtanimo ee Soomaaliya haddana waa Xildhibaan Ka tirsan Barlamaanaka Soomaaliya Siyaasad ahaan Waa uu Shaacday 2012kii ka dib markii 27 cod uu ugu daray Xasan Sheekh Doorashadii 2012dii

Cabdi Nuur Sheekh Maxamed,

Waxaa ka soo jeeda Beesha Hawiye, Xawaadle Cabdi Nuur waa shaqsigii lagu tirinayey in Farmaajo uu u Magcaabayo Ra”salwasaare waxeyna aad saaxiibo u yihiin Farmaajo

Ridwaan Xirsi Maxamed

Waxaa uu u dhasahy Beesha Dir, Habar Yoonis Ridwaan horay waxaa u soo noqday Ra”salwasaare Ku Xigeen Xukumadii Cabdi weli xiirane

Cabdi Ismaaciil Samatar

Waxaa u dhashay Beesha Dir, Godo Biirse Waa Aqoon yahan Wax badan ka og siyaasada Soomaaliya kuna nool Dalka Mareykanka

LEAVE A REPLY