Anigu Waa Wareeraye Meeqa Gen. Gabre Ayaa Jirta?

by Farah C/laahi | Thursday, Jan 26, 2017 | 10 views

Prof. Yahya Amir (Garsoor Online) — (A) Waxaan dhax fadhiyay Hotel Jazeera- Mogadishu, waxaan mobilka ka wacay saaxiibkeey Xassan yare oo ka tirsan madaxtooyada Somali land-Hargesa,waa iga qabtay waxa uuna igu yiri: i sug 5 daqiiqo kadib ayaan kugu soo celinayaa, hadda ayaa waxaa xafiiska noogu soo galay Jan. Gabre, khadkiina waa igu jaray.

Hal daqiiqo kadib ayaan wacay saaxiibkeey Cumar madey oo jooga madaxtooyada Baydhabo,wuxu igu yiri: igu soo celi maamulka k/Galbeed iyo Jan. gabre ayaan shir kula jiraa. Isla markii ayaan wacay Dahaba Cusman oo ka tirsan Uruka Haweenka Galmudug,waxa ay igu tiri : igu soo celi,Hadda waxaan joognaa Airporka Cadaado oo Jan. Gabre oo hadda soo dagay ayaan soo dhaweeyneeynaa.Laba daqiiqa kadib waxaan wacay Cabdi kuus oo kismayo joogo waxa uu igu yiri: igu soo celi ,waxaa socota khudbadii Jan. Gabre uu u jeedinayay ciidan tababar loo xirayo. Waan yaabay ma anigaa wareersan!!! Waxaan hora ka wacay Xuseen fiidow Afhayeenka Hirshabeele oo jowhar jooga waxa uu igu yiri : igu soo celi,Baarlamaanka Hirshabeele ayaa talo ka qaadanaya jan. Gabre.

Isla markii ayaan wacay saaxiibkeey Jamac nuur oo ka mid ah agaasimayaasha xafiiska madaxweynaha Puntland, waa igu jaray telfonkii,haddana waan ku celiyay,wuxuu igu yiri: igu soo celi Jan. Gabre oo careeysan ayaa i hor taagane.Saddax daqiiqo kadib waxaan wacay Axmad nuur oo ah madaxa brotokoolka Villa Somalia waxa uu igu yiri: igu soo celi ,waxaa hadda noo soo galay wafdigii IGAD ee Jan. Gabre Hogaminayay.

Waan yaabay !!!! sidee 15 daqiiqo gudahood hal qof ku wada joogi karaa intaas oo meel. Gadaal ayaan fiiriyay kursiga iga dambeeya waxaa fadhiya, Major General : Gabre Adhana Welezgu iyo lix xildhibaan.
B—Waxaan soo xasuustay dhab ahaan in ay asaga hoos tagaan shan Janaral oo kala ah: 1- Jeneral. Berhu Tesfaye oo Hargesa jooga. 2- Jeneral. Abraham Alemu oo Garoowe jooga 3- Jeneral, Gebresilasia Mokane oo Gobalada dhexe jooga 4- Jeneral. Gebemedin Fekedu oo K/galbeed jooga iyo 5- Jeneral. Taferi: oo Juba land jooga.

Qofku ma hal Gabraa mise photo copy ayaa lagu badiyay oo halba meel ayaa loo diray, mise madaxdaa ka baqee oo itobiyaankii ay arkaanba gabre u maleeya? Haddii madaxdii ka baqday,, anoo sacabooleey ah xamarna jooga ,saddax marna aan Jananka hore isku dagaalnay ????

FG. Qoraalkan qaybta “A” waa hal abuur.

Qore: Yahya Amir.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response