AMISOM oo Dishay Dad Ku Jiray Masjid, Qoryooley

by Farah C/laahi | Sunday, Jan 29, 2017 | 63 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa ku waramaya in dagaal qaraar uu xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

Dad ku sugan Qoryooley ayaa sheegay in dagaalka ay barbar socdoeen madaafiic ay ridayeen ciidanka AMISOM ee fariisinka ku leh duleedka degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Madfac kamid ah madaafiicda ay tuurayeen AMISOM uu ku dhacay Masjid ku yaalla Magaalda, waxana waxyeelo ka soo gaartay dad badan.

2 ruux ayaa dhimatay 7 kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray madafiicda AMISOM ay ku garaacday degmada Qoryooley.

Dadka dhaawcmay aya la sheegayaa in qaar xaaladoodu daran tahay ay ku jiraan, waxana la tilmaay ay adag tahay sidii lagu soo gaarsiin lahaa Isbtaalada waa weyn ee Magaalada Muqdisho.

AMISOM kama hadlin dhibaatada ay xalay ka geysteen degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

Ma ahan markii ugu horeysay ee AMISOM lagu eedeeyo tacadiyo ay ka geysatay gobolka Sh/hoose, ee waxaa soo laab-laabtay falalka nuucaani oo kale ah oo AMISOM ay geysaneyso.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

 

Like it? Share it!

Leave A Response