AMISOM iyo Ciidanka Dowlada oo la Eedeeyay

by Farah C/laahi | Tuesday, Jan 24, 2017 | 9 views

AFGOOYE (Garsoor Online) — Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa ku eedeeyay Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda in ay mas’uul ka yihiin weerarada isdaba jooga ah ee lagu hayo degmada Afgooye.

Cali Nuur Maxamed Gudoomiye Kuxigeenka dhanka Amniga ee Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in weerarkii shalay ay Al Shabaab ku soo qaadeen degmada Afgooye uu ahaa mid ka yimid jihooyinka Magaalada oo dhan.

Waxaa uu tilmaamay in Ciidamadii AMISOM iyo kuwa kuwa dowladda ay soo baneeyeen fariisimo ay ku lahaayeen deegaanada ku hareereysan Afgooye oo uu sheegay in ay yihiin halka laga soo weeraro.

Dhageyso Wareysi Kulul oo lala Yeeshay Gudoomiye Kuxigeenka gobolka Sh/hoose:

Garsoor Online — AFGOOYE

Like it? Share it!

Leave A Response