Al Shabaab: Waxaan Dilnay Taliye Kuxigeenkii Ciidamada Bangiga Puntland

by Farah C/laahi | Tuesday, Jan 17, 2017 | 59 views

BOOSAASO (Garsoor Online) — Xarakada AL Shabaab ayaa sheegtay in ay gudaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ay ku dileen taliye kuxigeenkii ciidamada Bangiga Puntland oo lagu magacaabi jiray Bashiir Cabdi Caare .

Waxa ay Al Shabaab sheegeen in ay sidoo kale dileen askari ilaalo u ahaa oo la socday, waxana ay tilmaameen falkaasi ay fuliyeen dagaalamayaal iyaga ka tirsan.

Al Shabaab waxa ay ku dhawaaqeen in ay laba jibaari doonaan dilalka ay ka fuliyaan deegaanada gobolad Puntland.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku sugan Gudoomiyah gobolada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Dhaq-dhaqaaqa Al Shabaab ayaa horay uga fuliyay Boosaaso dilal qaarkood ay ku khaarajiyeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Maamulka gobolada Puntland.

Garsoor Online — BOOSAASO

Like it? Share it!

Leave A Response