Al Shabaab oo Weeraray gobol ka tirsan dalka Kenya

by Farah C/laahi | Thursday, Feb 2, 2017 | 86 views

MANDHEERA (Garsoor Online) — Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan ka tirsan gobolkaas.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Garsoor Online in weerarka uu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Carabiya oo ku dhaw xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in Rag hubeysan oo Al Shabaab ah ay xalay weerareen deegaankaas, isla markaana ay ku dileen Askar Somali Kenyan ah oo ku sugnaa deegaanka la weeraray.

Inta la ogyahay 15 ruux ayaa lagu dilay weerarka ka dhacay deegaanka Carabiya oo u badan Akarta Kenya.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in ay dagaal kula wareegeen degaanka carabiya ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Kenya kama hadlin weerarka lagu qaaday deegaanka Carabiya ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dhageyso Qof Deegaanka ah oo ka hadlay sida ay wax u dhaceen:

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response