Al Shabaab oo Weerar Ku Qaaday Degmada Qoryooley

Al Shabaab oo Weerar Ku Qaaday Degmada Qoryooley

0
SHARE

QORYOOLEY (Garsoor Online) — Wararka laga helayo gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Qoryooley ee gobolkaasi ka tirsan.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Garsoor Online in xalay ay mar qura ku soo tooseen daryanka raasaas culus oo ka timid jihada koofuureed ee Magaalada.

Waxaa intaasi ku dareen in Ciidamadii ku sugnaa Magaalada ay isaga carareen Magaalada, isla markaana ay aadeen fariisin ay Ciidanka AMISOM ku lee yihiin duleedka Qoryooley.

Macada qasaaraha ka dhashay weerarka Al Shabaab ay ku qaadeen degmada Qoryooley, madaama xiliga uu weerarku dhacay ay aheyd xili habeen ah.

AL Shabaab ayaa warbaahintooda ku sheegay in weerar ay qasaaro ku gaarsiiyeen Ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose.

Garsoor Online — QORYOOLEY

LEAVE A REPLY