Al Shabaab oo sheegtay in 30 Ruux ay ku Dileen Qaraxii Muqdisho

by Farah C/laahi | Monday, Mar 13, 2017 | 23 views

Muqdisho (Garsoor Online)—Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay banaanka hoteel Wehliye ee Magaalada Muqisho.

Bayaan ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu xusay in weerarkaasi ay ku Dileen ugu yaraan 30 Ruux, islamarkaana ay ku dhaawaceen 40 kale.

“Waxaa Weerarkaasi aan ku khaarajinay Xildhibaano hore oo ka tirsanaa Baarlaamaanka, Saraakiil Ciidan iyo Askar ka tirsanaa Ciidamada Dowladda”, sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka Al Shabaab.

Dhinaca kale, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxuu sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 7 Ruux oo u badanaa Shacab, ayna ku dhaawacmeen 8 kale.

Magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay Qaraxii ugu horeeyay oo ismiidaamin ah tan iyo markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Madaxweyne u noqday Dalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response