Al Shabaab oo sheegay in 50 Askari ay Ka Dileen Kenya

by Farah C/laahi | Friday, Jan 27, 2017 | 62 views

KULBIYOOW (Garsoor Online) — Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkii ay saakay arootii ku qaaday deegaanka Kulbiyoow ee gobolka J/hoose ay ku dileen in kabadan 57 askari.

AL Shabaab ayaa tilmaamay in medadka askartaasi Kenyaanka ah lagu arkayo xirada ay ku lee yihiin Kulbiyoow oo ay la wareegeen saakay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka AL Shabaab ay ku dileen Kulbiyoo ay ku jiraan Cadaan ku sugnaa xirada ay ku lahaayeen gobolka J/hoose.

Kenya ayaa beenisay in weerarkaasi lagu qabsaday saldhigooda, waxana ay sheegeen in ay iska caabiyeen Al Shabaabkii soo weeraray.

Weerarkii saakay ka dhacay deegaanka Kulbiyoow oo u dhaw xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu tilmaamay in uu la mid ahaa weerarkii ka dhacay Ceelcade, halkaasi oo ciidamo badan oo Kenya ah lagu dilay.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response