Al Shabaab oo Laga Saaray Hoteelka Dayax ee Muqdisho

by Farah C/laahi | Wednesday, Jan 25, 2017 | 64 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Saraakiisha Amaanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay soo afjareen howlgalkii ka socday Hoteelka Dayax oo ay weerareen rag hubeysan oo ka tirsan Xarakada AL Shabaab.

Inta la ogyahay 10 ruux ayaa ku dhintay weerarka, waxana jira in sodomeeye kale ay ku dhaawacmeen weerarka lagu qaaday Hoteel Dayax.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen xildhibaano laga soo doortay Koofur Galbeed Soomaaliya oo daganaa Hoteelka Dayax.

Wakaalada Wararka SONNA ayaa sheegtay in 5 dagaalame oo ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galeen Hoteelka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa soo gaaray Hoteelka weerarka lagu qaaday.

Dhismayaasha ka horeeya Hoteelka ayaa burburay, waxana jira wax yeelo soo gaaray dhismaha Hoteelka.

Xarakada AL Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Hoteelka Dayax ee Magaalada Muqdisho, waxana ay sheegeen in ay ku dileen xubno fara badan.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response