Ururka Al Shabaab oo Dib u Qabsaday M. Badhaadhe

by Farah C/laahi | Tuesday, Jan 24, 2017 | 62 views

BADHAADHE (Garsoor Online) — Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in ay dib u qabsadeen Magaalada Badhaadhe ee gobolka J/hoose.

War ay baahiyeen warbaahinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamadii Kenya iyo kuwii Maraykanka ahaa ee qabsaday degmadaasi ay isaga baxeen Magaalada.

Isgaarsiinta Magaalada ayaa adag, waxaana dadka deegaanka ay soo sheegayaan in ciidamadii Magaalada qabsaday ay halkaa isaga baxeen.

Dad ku sugan Badhaadhe ayaa xaqiijiyay in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay soo galeen Magaalada, markii ay ka baxeen ciidamadii qabsaday.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Ciidamadii Magaalada Badhaadhe qabsaday ay ahaayeen Ciidamada difaaca Kenya iyo ciidanka Booliska Kenya ee ka howlgalay gobolka Waqooyi bari Kenya.

Ciidamada qabsaday Badhaadhe ayaa la sheegay in aysan ka mid aheyn howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Badhaadhe ayaa Janaayo sanadkii 2016kii waxaa isaga baxay Ciidanka Kenya iyo kuwa Jubbaland waxana la wareegay Al Shabaab, kuwaasi oo muddo sanad ah gacanta ku hayay.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response