Al Shabaab oo Dadka Ka Afduubay gobolka Gedo

by Farah C/laahi | Monday, Jan 30, 2017 | 50 views

GARBAHAAREY (Garsoor Online) — Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya ayaa waxa ay ku waramayaan in Al Shabaab ay dad ku xireen Tuulo Barwaaqo oo qiyaastii 18-KM u jirta Degmada Garbahaarey.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Garsoor Online in Al Shabaab ay xireen 7 ruux oo ay ku jiraan labo dumar ah.

7 qof ee la xiray ayaa lagu eedeeynayaa in ay wax ka ogaayeen dilka Taliye C/laahi Qanaas oo Al Shabaab u qaabilsanaa gobolka Gedo.

Ilo deegaanka ah ayaa noo xaqiijiyay in dadka la xiray lagala baxay Hoygooda isla markaan ay Al Shabaab u ka xeysteen xabsiyo ay maamulaan.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Soomaaliya oo ku sugan gobolka Gedo ayaa u sheegay warbaahinta in Al Shabaab ay xoog uga soo furan doonaan dadkaasi, hadii ay soo deyn waayaan.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response