Al Shabaab oo 4 qof ku Toogtay gobolka J/hoose

by Farah C/laahi | Monday, Feb 6, 2017 | 54 views

JAMAAME (Garsoor Online) — Xarakada AL Shabaab ayaa dil ku fulisay afar qof oo ay ku eedeysay in ay jawaasiis u ahaayeen Maraykanka iyo Kenya.

Xukunka ayaa waxaa riday Maxkamada Al Shabaab ee gobolada Jubooyinka, waxana lagu eedeeyay in ay kadanbeeyeen dilka xubno ka tirsanaa Al shabaab oo ay basaaseen.

Xubnaha dilka lagu fuliyay ayaa kala ahaa Siyaad Cali Cabdi 26 sano jir ahaa, Yuusuf Makaraan Maxamed waa 58 jir ahaa, Axmed Ibraahim (Gallad) 28 jir ahaa iyo Cabadallahi Cali Xasan  da’diidu 26 jir ahaa.

Ragaan ayaa lagu toogtay shalay galabkii fagaaro ku yaala Jamaame oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Al Shabaab ayaa inta badan dilal ku filiya dadka ay ku eedeeyaan in ay yihiin jawaasiis u shaqeynaya dowladaha shisheeye, waxana dhawr jeer oo hore ay dileen dadka sidan oo kale looogu eedeeyay Jaajuusnimo.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

 

Like it? Share it!

Leave A Response