AKHRISO: Wasiir kale oo Seefta RW Xasan Xaraash saaran tahay.

by Sacdiyo Ladan Maxamed | Sunday, Nov 26, 2017 | 230 views

Wasiirka kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa la xaqiijiyey inay saaran tahay Seefta Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre (Xasan Xaraash) oo maalmahan bilaabay inuu xilalka ka qaado qaar ka mid ah Wasiirada.

Wasiirka kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda oo Abti dhaw u ah Horjooge Farmaajo ayaa sababta xilka looga qaadayo lahu sheegay inay tahay Amar diido iyo madax adayg uu kala hor yimid Xasan Xaraash isagoo isku haleynaya Horjoogaha uu Abtiga u yahay ee Farmaajo.

Wasiirka ayaa la sheegay in lagu bedelayo labo qof midkood sida wararka Xanta ah ay cabirayaan kuwaa oo kala ah Xildhibaan Daa’uud Bisle Ex Wasiirkii Batroolka ee Xukuumadii Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Wiilka maalmahan la hadal hayo ee Siyaad Maxamuud Shire inkastoo ilo wareedyo sheegayaan in uusan qaban Karin xilkaas.

Dhinaca kale Wasiirka Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka lunsaday qasnadda Wasaarada lacag dhan 13600 Dollar sida ay cadeeyeen Xafiiska Hanti dhawrka Guud oo baaritaan ku waday muddo.

Waxaana markii ay cadeeyeen Xafiiska Hanti dhawrka lacagtaa maqan ayey muddo 30 Cisho ah u qabteen Wasiirka inuu lacagtaa dib ugu soo celiyo qasnadda Wasaarada.

Like it? Share it!

Leave A Response