Akhriso Wararkii u danbeeyay ee Doorashada Galmudug iyo RW Kheyre

by Farah C/laahi | Sunday, Apr 2, 2017 | 53 views

MUQDISHO (Garsoor Online)— Warar hoose oo uu helay Garsoor Online ayaa sheegaya in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu diyaarinayo wafdi heer wasiira ah oo loo dirayo Galmudug.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in wafdigan uu hogaamin doono Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

Ujeedada wafdigan ayaa lagu macneeyay in ay ka shaqeynayaan sidii dib laagu dhigi lahaa doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Xasan Cali Kheyre ayaa ku howlan sidii uu dib ugu dhigi lahaa doorashada Galmudug, waxaana uu diidan yahay in uu soo baxo shakhsi ka soo horjeeda dowlada Somalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Ra’iisul wasaaraha uu soo saari doono Warsaxaafadeed labaad uu ku dalbanayo in dib loo dhigo doorashada Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa horay ugu gacan seyray codsi ka yimid Mudane Xasan Cali Kheyre.

Like it? Share it!

Leave A Response