Akhriso: Nuxurka Kulankii Gudoomiye Jawaari, Beesha Caalamka iyo Musharaxiinta

by Farah C/laahi | Saturday, Jan 14, 2017 | 278 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Afhayeenka cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta la kulmay xubno ka socday Beesha Caalamka iyo Musharaxiin Mucaarad ah.

Kulanka oo ka dhacay Xafiiska Mr. Jawaari ayaa intiisa badan diirada lagu saaray Arrimaha Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee la filayo in dhawaan ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Danjire Michael Keating wakiilka Xogahayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Lydia Wanyoto oo ah kuxigeenka Danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa la kulmay Afhayeen Jawaari.

Arrimaha ugu Muhiimsan ee laga wada hadlay ayaa waxaa kamid ah sidii doorashada Madaxweynaha ay ugu dhici laheyd si xasilan, oo aan musuq ku jirin.

Xubnaha Beesha Caalamka ka socday waxa ay u sheegeen Gudoomiye Jawaari in la tixgaliyo Musharaxiinta ka soo horjeeda Madaxweyne Xasan iyo in si hufan ay u dhacdo doorashada.

Waxaa lagu canaantay Gudoomiye Jawaari uu la safan yahay Garab gaar ah, waxana ay uga digeen in uu gacan ku siiyo Xasan Sheekh Maxamuud in uu dib mar kale u soo laabto.

Dhanka kale, Musharaxiintii la kulantay Gudoomiye Jawaari ayaa u gudbiyay walaala ay ka qabaan sida ay wax ku socdaan oo u muuqata jawi aan wanaagsaneyn.

Waxa ay u sheegeen in la sameeyo Habraac aan mugdi ku jirin oo ay maraan dhamaan Musharaxiinta u tartamaya hogaaminta Soomaaliya si looga dhowrsado Musuq iyo wax is dabamarin.

Musharaxiinta ayaa ku tart-tarsiiyay Gudoomiyaha Barlamaanka in loo si naado Adeegsiga Warbaahinta dowladda oo aysan dhicin in musharax gaar ah ay u adeegto.

Ugu danbeyn, Gudoomiyaha Barlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in uu qaadanayo dhamaan talooyinka loo jeediyay, uuna rajeynayo in dalkan ay dhacdo doorasho xalaal ah.

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response