Akhriso Muqaalkan: Hadaad Laangaab Tahay Ha Noqon Maangaab

by Sacdiyo Ladan Maxamed | Monday, Nov 20, 2017 | 191 views

Dowlad laangaaba oo haddana maangaaba waa masiibo iyo mas gooda oo madaxtooyada kaa galay, mana hogaamin karto shacab goba oo helitaanka xuquuqdooda dhiig, naf, iyo hanti badan u soo huray.

 

Hogaamiyaha sare ee dalka ma mooga inuu awooda ku yimid danleey ay gacmo dufan leh dano gaara isku dhaafsadeen, shacabkana waa u muuqataa maanta dadka ku wareegsan iney ka turjumayaan danahii qarsoonaa ee la is dhaafsaday.

 

Hogaamiyuhu waa ka leexday wixii loo doortay oo ahayd u adeegida danta guud iyo maslaxada dalka, wuxuuna taas bedelkeeda doorbiday u adeegida maslaxada dadkii maalgeliyey doorashadiisa oo dhamaantood aan wax miisaana ku lahayn bulshooyinka ay ka kooban tahay shacabka guud oo ay ku abtirsadaan beelaha waaweyn ee Soomaalida.

 

Tiro yarida ay ka soo jeedaan ka sokow waxaa u wehlisa aragti la’aan sababtay qorshexumo in lagu hago xukuumadda iyo isxayeysiin aan ku habooneyn madax qaran oo aan waxqabad lahayn. Beenabuurka shaqsiyaad guulwadayaal loo soo watay ee lagu dheelitirayo awoodqeybsiga beelaha oo ah waxaan dhab ahaan u jirin waxa keliya ee dhaqanxumadaas looga hortegi karo waa in qaranka Soomaaliyeed laga qabto mariinhabaabiyeyaashaas inta aysan soo dhaafin xarkaha waabiya xuduudaha dowladnimo ku dhaqanka.

 

Ma arag mana maqal xukunka dadka tirada yar oo ka libin keena mucaaradka dadka tirada badan, taas oo ka horimaaneysa murtida addunka ka caanbaxday ee oraneysa”xukunka inta badan iyo xaqsiinta inta yar.” Inkastoo aar libaax koox waraabaa ay ka dhigaan dibed joog oo uu ka wareegto goobta ay taalo raqdu, waxaan shaki lahayn markuu gurxanka iyo boor sayrinta uu isku daro iney gariirto qalbiyada duhurjoogta aan garaadka lahayn, oo marka carada iyo ciilku ku batana uu shafka kudaha u dhigo coomaadiga calooshooda la ciyaarka ah.

 

Waxaa xasuus mudan sidoo kale hooyadu amarada ay siineyso carruurteeda waxey ugu gudbisa fariin codsiya, marka ilmuhu ka dhego adeygaan fulinta codsigeeda ayey la kulmaan dharbaaxo ku dhacda wajigooda, markaas ayey xaqiiqsadaan in codsiga hooyadu ay tahay amar lagu qasban yahay in la fuliyo.

Wadanka weli kama aysan hirgelin talada xisbiyada lagu hogaaminayo dalka oo marka ay dhacdo xisbiga ku guuleysta codadka badan ay soo dhisayaan xukuumad ku kooban xubnaha xisbigooda, taas waxey ka turjumeysaa in talada dalka lagu saleeyo talowadaag oo aysan dhicin in koox ay si gaara talada dalka gacmahooda keliya ku soo koobaan, inta kalena ka dhigaan gaaf wareeg go’ loo hurgufo. Mucaaradnimadu shil ahaan kuma curato, laakiin waxey ku timaadaa qorshe siyaasadeed oo xeeladeysan oo ka dhasha guuldarada xukuumadda iyo hogaanxumada madaxda dowladda, waxeyna xal u tahay badbaado qaran oo fashilka bedelkiisa la yimaada aragti siyaasadeed oo ka hortagta burbur ku yimaada qaranka.

 

Wanaagii loo galay hogaamiyaha dalka waa abaal qasaaray mar haddii uu ka dhumay mariinkii saxda ahaa ee ku dhisnaa dowladnimo wanaaga, taas bedelkeedna uu soo aruursaday raxan ah dalaaley,oo haddana ah daneysteyaal ku soo bulaalay musuq iyo xaaraan ugu adeegida danaha shisheeye, waana soo ifbaxday sida muuqata oo laga sugayey aayoxumada uu ka dhaxlay, iyo waxa ay kula dambeyn doonto legdan masrixiyeedka uu kula jiro mucaaradka ay tiro badidoodu sii xoogeysaneyso.

 

Shacabka ayaa garsoore ka ah dhanka ay sida dhabta ah ugu cadaato dhaliishu, laakiin waxaa marag ma doonto noqon doonta in madaxda dowladdu ama ha adeegsato qabiilada yar yar ama ha codsato xukun ku haynta ciidamada Xabashida, ama ha u gacan haatiso boqortooyooyinka yar yar ee Carabta, ama  lacagta gargaarka loogu keeno ha u adeegsato dacaayad iyo isxayeysiin, in ay hubaal noqon doonto in hogaanka dalka talisnimadiisu ay saqiirnimo ku dhimaneyso.

Siyaasadda Soomaaliya waxaa markasta bud-dhig u ahaa qabiilka, kooxeysiga diinta, danta iyo lacagta. Miisaanka awood qeybsiga siyaasadeed ee dowladdu maanta ay ku dhisan tahay waa isku dheelitirka awood qeybsi qabiilada. Dowladda maanta waxey ku shaqeyneysaa fikirka qabyaaladda waayo jagooyinka qaar waxaa loo asteeyey qabiilo gaara. Tusaale, marka la doortay madaxweynaha waxaa raisulwasaaraha loo qoondeeyey qof ka qabiil duwan madaxweynaha.

Marka la magacaabayo gudoomiyaha maxkamada sare waxaa loo astaameeyey qabiil gooniya. Markii la ridey gudoomiyeyaasha Galmudug iyo Hirshabeele, labadaba waxaa loo qoondeeyey qabiilo gooniya. Sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka iyo gudoomiyaha magaalada Muqdisho waxaa la siiyey qabiilo gaara.

 

Waxaa intaas wehlisa marka la tago maamulada gobolada ama wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya in meelahaas oo dhan cida joogta ay u adeegeyso waxqabadka qabiilada ay ka soo jeedaan, haddii ay noqoto shaqo siinta ama qandaraas bixinta.

 

Marka goorma ayuu madaxweynaha garwaaqsan in dowladiisu ay ku shaqeysato danaha qabiilada oo uu maalin kasta la kulmayo odeyaashooda dhaqanka, meesha laga sugayey inuu xukuumadiisa u dejiyo qorshihii ay hayadaha dowladu ku hawlgeli lahayeen oo shacabka ay ugu fidin lahayeen adeegyada lagama maarmaanka ah oo ay ka sugayaan.

 

Madaxweynuhu wuxuu ku eedeeyey mucaraadka inay dowladiisa ku duminayaan qabyaalad, isaga oo ula jeeda in dowladdiisu ay xaq u leedahay iney ku shaqeysan karto qabiilada oo beeshey doonto u adeegsan karto iney ku waxyeeleyso dadka ay siyaasadda ku bartilmaameysanayaan, laakiinse ay ka reeban tahay mucaaradka iney la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshafda Soomaaliyeed, haddii sidaas dhacdana ay banaan tahay in taageerayaasha mucaaradka lagu sunto iney yihiin qabiilo dowladiisa duminaya.

 

Tani waxey i xasuusineysaa dhaqankii dowladda Kacaanka Oktober oo ku maamulaneysey qabiilkla, haddana qabyaaladda ku dhaliileysey, kuna dileysey mucaaradka. Waxey sidoo kale tani ii soo xasuusineysaa kooxdii hogaamineysey Maxkamadaha Islaamka oo awooda qabiil ku qeybsaday haddana muujinayey iney qabyaaladda la dagaalamayaan oo diinta wax ku maamulayaan.

 

Waxaa si gaara aad isugu dhaqan dhow hogaankii Maxkamadaha Islaamka iyo hogaanka dowladda maanta jirta,waxeyna ka mideysan yihiin si hoose u adeegsiga qabyaaladda, adeegsiga wadaniyad beenabuura, fudeydka dagaal jaceylka, dagaalgelinta dhalinta da’da yar, iyo ka ka wada amar qaadashada boqortooyo yar oo Caraba.

 

Waxaa fiiro gaara mudan in dowladdii kacaanka ay ku liibaantey adeegsiga shaqsiyaad laangaaba iyo haweenka, kuwaas oo loo adeegsan jirey waxyeeleynta shaqsiyaadka iyo beelaha lagu tuhmayey mucaaradnimada.

 

Taas macnaheedu ma ahan in xeeladaas mar labaad ay guuleysaneyso waayo duruusteeda ayaa horay loo soo qaatay, waxaana isku daygoodii ay ku adeegsanayeen ku fashilmay Maxkamadaha Islaamka iyo dowladihii ka dambeeyey, sidaas si la midana dowladda maanta jirta waxey raacday mariinkii madoobaa oo hoobadkeeda ay cagta saartay.
Madaxweynaha ayaa mucaaradkiisa mar kale ku eedeeyey iney yihiin Danleey, wuxuuna fahamsan yahay siyaasadu iney u adeegto dano, ha ahaato mid guud ama mid gaara. Waxaana marag ma doonto ah inuu awooda ku yimid taageerada koox danley ah oo ka kooban shisheeye iyo Soomaali isku jira.

 

Marka cabirka siyaasadeed lagu saleeyo xaqiiqda waxaa iska cad in madaxda dowladu ay tahay mida awooda dowladda u adeegsata danahooda gaarka ah, mucaaradkuna ay fikirkooda ku difaacaan danta iyo maslaxada guud ee dalka.

 

Tusmo gaaban waxaa kuugu filan in madaxweynuhumarka uu booqashooyin ku tegey Sacuudiga iyo Imaraadka, intabashadiisa looga xaal mariyey sida muuqata qancinta danahiisa gaar ahaaneed oo sooryo lacageed iyo Dahaba lagu maamuusay, wuxuuna booqashadiisa kadib ka gaabsaday inuu si cad uga hadlo mashkiladaha Soomaaliya dalalkaas kala dhexeeyeyiyo xaaladoodu waxa ay ku dambeysey.

 

Waxaan sidoo kale xasuusanaa in taliyaha ciidanka XDS uu feejignaan iyo digniin ka bixiyey boqortooyo Carabeed oo gudaha Muqdisho ka abaabulatey ciidan ay ka soo xulatay dadka laga tirada badan yahay, tababar ciidana u furatay beelahaas, markii madaxda sare ay maqli weysana uu isaga tegey xilkii uu hayey. Waxaan wada ogsoonahay in dhismihii ciidanka qaranka Soomaaliyeed lagu heshiiyey in hab qabiil loo qeybsado oo loo maro maamul goboleedyada meesha ay ahayd in wasaaradda difaaca iyo saraakiisheeda loo xilsaaro in Soomaalida oo dhan ay ka soo qoraan ciidanka cidii daneyneysa oo buuxisa shuruudaha looga baahan yahay iyadoo aan lagu xirin qabiilkiisa.

 

Madaxweynuhu yuu u sheegayaa daneysi iyo qabyaalad iney dowladiisu ka hufan tahay, yeyse tahay cida ka dhegeysaneysa in mucaaradku meel cidlo ah ay ka maagayaan iyadoo aysan dowladiisu tabareysan!!!
Soomaaliya waa dal xor ah, mana muuqato sabab dib loogu xoreeyo, laakiinse waxaa ka maqan oo aysan haysan dowlad leh hogaamin wanaagsan, waxeynamadaxda sare ee dowladda ku guuldareysteen in kalsoonidii lagu doortay ay himilooyinkeedi meelmarin waayeen, waxeyna xeelad ahaan u adeegsadaan marka ay u cadaato guuldarrada iyo fashilka ku timaada hogaamintooda iney eeda dusha ka saaraan mucaaradkooda ama ay isaga leexiyaan cadaw aan muuqan oo ku haya colaad aan jirin.

 

Madaxdaas waxey jeclaan lahayeen in guuldarrada iyo fashilka hogaamintooda lagu taageero oo loogu guulwadeeyo, waxeyna inta badan maskaxdooda si dhalanteeda uga dhaadhiciyeen inaan la mucaaradi karin inta ay ka dhameysanayaan wakhtiga ka dhiman xilalkooda.

 

Mucaaradnimadu waa astaan wanaagsan oo ay leeyihiin bulshooyinka xorta ah. Haddii aan la mucaaradi lahayn gumeysigii, dalku maanta xor ma ahaadeen oohaddii aan la mucaaradi lahayn xukunkii kelitaliska ahaa, dalku maanta ma haweysteen inuu noqdo.

 

Cidda ku hamineysa dalku inuu mucaarad la’aan ahaado waxaa qalbigooda ku duugan hilowga ay u qabaan dhaqangelinta xukunka kalitelisnimada, waxaana xaqiiqa inmadaxda iyo mucaaradka ay shacabkuyihiin kuwo u dhexeeya oo cid walba ay la wadaageyso aragtida wadanka lagu hormarinayo, taas oo qaabeeysa dareenka iyo ra’yiga dadweynuhu ka qaadanayo marxaladda ay mareyso dowladoodu. Madaxda dalka oo dhaqaalaha iyo awooda dalka gacanta ku heysta haddii ay kasban waayeenqalbiyada shacabkaoo ka sugayey waxqabadka,waa liidnimo iney ku meermeereystaan in mucaaradku ka horkeenay shacabka, waxeyna taas astaan tilmaameysa u tahay rajobeelka hogaamineed ee laga dhaxlay.

 

Siyaasiyiinta madaxabanaan waxey ka falcelinayaan tilaabooyinka sida qaldan loo qaaday, waxeyna ka digayaan cawaaqibxumada ka dhalan karta hogaaminta xun.

 

Waxaan shaki lahayn hogaamiyaha dalku inuu raacay mariinkii ay ku turaanturoodeen madaxdii ka horeysey oo uu la iman waayey waxqabad muuqda, sidaas daradeedna ay waajib ku tahay siyaasiyiinta madaxabanaan iney marsiiyaan waajibaadka uu mudan yahay.

 

Madaxda sare ee dalka haddii ay iska dhaadhiciyeen iney hogaanka u hayaan sidii xukun boqortooyo ah,bal ha ka dhaadhiciyaan shacabka inaan laga daba hadlin oo hadalkooda keliya ay shacabku meel mariyaan.

 

Waxaa filanwaa shacabka ku ah in madaxda ku fashilantay hogaaminta dalka ay mucaaradka ku tilmaamaan iney yihiin cadowga dalka. Siyaasad xumadaas liidata waxey gaarsiineysa madaxda dalka in iyagana loo arko cadowga labaad oo dalka u diidan inuu gaaro horumarka dimoqaraadiyada iyo hirgelinta maamul wanaag dowladeed.

 

Dadku ma heystaan xuquuqda iyo adeegyada ay ka rajeynayeen dowladda, sidaas daradeed ayeysan ugu muuqan iney maqlaan eedeymahamadaxda dowladda ay u soo jeedineyso mucaaradka.

 

Shacabka Soomaaliyeed ha ku baraarugaan in geedi socodka loogu jiro helitaanka dowlad wanaagsan ay lagama maarmaan u tahay in dalku yeesho siyaasiyiin ka madaxbanaan aragtida dowladda oo ku kalsoon cabirka aragtidooda iftiimineysa qaladaadka siyaasadeed ee ka dhasha hogaanxumada madaxda sare ee dalka, taas oo haddii aan la qaban dalka u horseedeysa inuu galo burbur aan dhaqso looga soo kabsan karin. Sidaas daradeed, shacabku waa ineysan dan iyo heelo midna aysan ka gelin hadalada naflacaariga ah ee ay isku dhex qarinayaan madaxda ku fashilantay hogaaminta dalka. wuxuuna dardaaranka guud cabirayaa in cidii aan si dhaba hogaanka u hanan karin in xilka laga cirdeeyo, waxeyna noqoneysaa xaq in cidii hogaaminteedu bahalnimo isku bedesho in goor ay noqotaba xilka laga cirdeeyo.

 

Waxaa hubaala in rabitaanka shacabku uu horseedayo in daciifnimada ka jirta hogaanka dalku inuu ku dambeynayo in maalin cad jidadka Xamar la isku cirdeysto, lagana guuleysto kooxda ismoodey iney talada dalka keligeed isku koobi karaan.

 

Qaranimo in la helo waxaa loo huray dhiig, maal, iyo naf, sidaas si lamidana ayaa dowladnimo wanaaga helideeda waxaa lagu gaarayaa dhagaxyo siyaasadeed in lagu tuuro madaxda bahalowdey oo u baahan talada dalka in laga tuuro.

 

Iskuday kasta oo lagu xalaaleysanayo hantida dadweynaha waxey u baahan tahay in laga yureeyo isbaheysiga dhacaya ee habar dugaagta u soo hayiinraacday madaxtooyada Soomaaliya.

 

Adiga oo u daneynaya maslaxada dalkaaga ka qeybqaado dhagaxtuurka lagu waabinayo sharta sheydaanka, laguna cirdeynayo madaxda bahalowdey.

 

Shaki yuusan kaa gelin in khatarta ay soo wado hogaanxumada dowladda maanta jirta in looga hortegi karo iyadoo saqiirnimada ku dhimata.

 

Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)

Saciidciise258@aol.com

Maine, United States of America

Like it? Share it!

Leave A Response