Magacyada Suxufiyiintii Ku Dhaawacmay Qaraxa M.M

by Farah C/laahi | Wednesday, Jan 25, 2017 | 53 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — 4 suxufi oo kamid ah kuwa ka howlgalla Magaalada Muqdisho ayaa ku dhaawacmay Qaraxii labaad ee ka dhacay Hoteelka Dayax ee Wadadda Maka Al Mukarama.

Suxufiyiinta dhaawacmay ayaa sawir ka qaadayay Hoteelka la weeraray ee Dayax, waxana ay la kulmeen qaraxa labaad.

Suxufiyiinta dhaawacmay ayaa u badan kuwa sawir qaadayaal ah, kuwaasi oo ku sugnaa halka uu wax ka dhacay.

Ilaa iyo hada suxufiyiinta la xaqiijiyay in qaraxii labaad ay ku dhaawacmeen ayaa waxa ay kala yihiin.

Cabdiwahaab Saruurow – Wakaalada  Wararka AFP

Faarax Cabdi Warsme – Wakaalada Wararka AP

Gacal – Horn Cable TV

Cabdiqadar – Radio Kulmiye

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response