Akhriso Magacyada & Qabiiladooda Senatorada Maanta la doortay

by Farah C/laahi | Monday, Jan 16, 2017 | 84 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay 3 senator oo kamid noqonaya Barlamaanka Aqalka Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xubnihii maanta la doortay ayaa labo kamid ah waxa ay ahaayeen dumar halka midka kale uu ahaa Rag.

Gudigga Doorashooyinka oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay sadax senator ee ku soo baxay Aqalka sare. 

Kursiga 1aad: Nuuro Faarax Jaamac ayaa ku guuleystay waxana ay heshay codad gaaraya 38 cod – Banaadiri, waxa ay ka adkaatay Cumar Maxamed Aadan oo helay 7 cod iyo Caasho Axmed Cabdalaah oo heshay 0.

Kursiga 2aad: Deeqo Xasan ayaa ku guuleystay, waxaana ay heshay 24 cod, Waxaa Deeqa kursiga kula tartamaayay, Hodan Abuukar Xasan oo heshay 21 cod iyo iyo Amran cilmi fariid oo aan waxba helin.

Kursiga 3aad: Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa ku guuleystay, waxana uu helay codad gaaraya 39 cod, Waxaa Ayuub kursiga kula tartamaayay, Xuseen Ceelabe Faahiye, Maxamed Aadan Waaberi iyo Axmed Cabdi Faahiye.

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response