Akhriso Magacyada Maxaabiis Ka Booxday Darbi Xabsi Ku Yaal….

Akhriso Magacyada Maxaabiis Ka Booxday Darbi Xabsi Ku Yaal….

0
SHARE

GAARISA (Garsoor Online) — Maxaabiis lagu hayay xabsiga saldhiga Booliska ee Magaalada Gaarisa ayaa 17-kii Bishan waxa ay ka boodeen Darbiga dambe ee xabsiga, sida ay sheegeen ilaalada xabsiga.

Xilliga Maxaabiistan ay ka boodeysay Darbiga ayaa waxa ay aheyd saq dhexe, oo ay hurdeen ilaalada xabsiga saldhiga Booliska ee Magaalada Gaarisa.

Warbaahinta Gudaha Magaalada Gaarisa ayaa ku warantay Maxaabiista baxsatay tiro ahaan in ay gaarayaan Lix, kuwaas oo ka mid ahaa 20 Maxbuus oo ku xirnaa xabsiga saldhiga Booliska.

Sidoo kale Warbaahinta Gudaha Magaalada Gaarisa ayaa soo bandhigtay Magacyada Lixda Maxbuus, ee ka fakatay xabsiga, waxaana lagu kala magacaabaa:- 1.Anwar Saciid Maxamed, 2.Aadan Cumar 3.Abdi Muuse 4.Dida Maxamed 5.Suleyman Maxamed iyo 6.Mowliid Maxamed.

Booliska Magaalada Gaarisa ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggan baxsadka ah, oo Da’dooda lagu sheegay inta u dhaxaysa 15 jir ilaa iyo 21 jir.

Dhalinyaradan ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Shabaab, waxaana la soo kala qabtay waqtiyo kala duwan, sida ay sheegeen Booliska.

Xigasho: Radio Risaala

LEAVE A REPLY