Akhriso 20 Mushar oo u Midoobay Jabinta Xasan

by Farah C/laahi | Tuesday, Feb 7, 2017 | 70 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Ololaha doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ayaa heerkii ugu danbeeyay maraya, iyadoo birito ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Iyadoo ay sidaa tahay ayaa waxaa soo ifbaxay in musharaxiinta tartamaya ay sameysteen isbaheysi ay doonayaan in ay ku jabiyaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo heysta xildhibaanada ugu badan.

Ku dhawaad 20 musharax oo ay kamid yihiin siyaasiyiin caan ah ayaa u midoobay sidii ay uga guuleysan lahaayeen Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharaxiintan ayaa isku raacay in wareega koowaad ay codkooda isugu geeyaan musharax ugu cododka badan, isla markaana ay meel uga so owada jeestaan Xasan Sheekh Maxamuud.

Musharaxiinta ugu cad-cad ee ka dhex muuqda midowgaan waxaa kamid ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo kuwa kale.

Afhayeenka Musharaxiinta Isbadal doonka ah Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa saxaafada u sharaxay heshiiska la gaaray. Akhriso 4 Musharax oo Miisaan Culus oo diiday Isbaheysiga Isbadal Doonaka

Akhriso Magacyada Musharaxiinta Midoobay:

Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo

Maxamuud Maxamed Culusow

Maxamuud Axmed Tarsan

Cabdiraxmaan Maxamed Faroole

Bashiir Raagge Shiiraar

Cabdinaasir Maxamed Cabdulle

Cali Xaaji Warsame

Maxamed Cali Ameeriko

Siciid Ciise Maxamuud

Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi

Cabdullaahi Cali Gees

Xaaji Maxamed Yaasiin

Axmed Maxamed Cabdi

Zakariye Maxamed Xaaji

Maxamed Cali Jabarti

Maxamed Cabdirisaaq

Saciid Cabdullaahi Dani

Waxaa lagu jiraa Saacadihii ugu dambeeyay ee Ololaha Musharaxiinta, Waxaana Musharaxiinta ay kulamo kala duwan ay la leeyihiin xildhibaanada wax dooranaya ee labada golle ee Baarlamaanka waa gola shacabka iyo Xubnaha Aqalka Sare.

Waxaa sidoo kale warar soo baxaya ay sheegayaan in Musharaxiinta qaarkood ay maanta ku dhawaaqi doonaan in ay tanaasulayaan.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response