Akhri labo Sababood oo Gaas kaga Maqan yahay Caleema Saarka Farmaajo

Akhri labo Sababood oo Gaas kaga Maqan yahay Caleema Saarka Farmaajo

0
SHARE

BOOSAASO (Garsoor Online) — Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa Maanta anu ka qeyb galeynin Xaflada caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo Xili la filayo in maanta ay ka dhacdo Magaalada Muqdisho.

Sababaha keentay in Gaas uu ka baaqsado Munaasabada Caleema saarka ayaa waxaa loogu sababeynayaa labo arimood.

tan koowaad Siyaasiinta ayaa aaminsan in Gaas uu san jecleen farmaajo islamarkaana uu xilkani uu la rabay Cumar Cabdi Rashiid Cali sharmaake isagoona xiriir wanaagan aanu la laheyn Madaxweynaha Soomaaliya markii aan ka eegno dhinaca Siyaasada.

Tan Labaad ayaa waxaa la sheegay in Madaxweyanaha Puntland uu ku mashquulsan yahay arimo ku aadan Maamulkiisa islamarkaana ku qotoma in heshhisyo uu la gali rabo Dowlada Imaaraadka Carabta si ay ula wareegaan Dekada Magaalada Boosaaso iyadoona xiriirka Gaas iyo Maddaxda Imaaradka uu ka danbeeyey ka dib markii Madaxda Imaaraadka ay Gaas ay u sheegeen in shidaal ay ka baarayaan Deegaanada Puntland si qarsoodi ah iyadoona laga faaideysanayo Heshiis Dekada Boosaaso.

Si kastaba Madaxweyanaha Puntland ayaa macaash badan ka sameynaya Deegaanada Maamulkaasi iyadoona lagu tilmaamayo in Cabdi Wali uu noqonaya Madaxweynihiii ugu horeeyey ee ka socda Maamulada gobolada oo Mucaaradaya Farmaajo.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com 

LEAVE A REPLY