Ahlu Sunna oo Puntland ku wareejisay Nin dil geystay

Ahlu Sunna oo Puntland ku wareejisay Nin dil geystay

0
SHARE

GALKACYO (Garsoor Online) — Maamulka gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa maanta ku wareejiyay Puntland Nin horey qof ugu dilay deegaanada Maamulka Puntland.

Ninka lagu eedeeyay in uu dilka geystay ayaa maanta laga dajiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Galkacyo, waxana gacanta loo galiyay ciidamda Booliska Puntland.

Ninkan ayaa dilka ka geystay deegaanka Magacley oo hoostaga Buurtinle, waxana lagu magacaabaa Xuseen Ibraahim Yuusuf, iyadoo ciidamada Ahlu Sunna ay ka qabteen Magaalada Dhuusamareeb.

Goobta wareejintu ka dhaceysay ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha booliska qeybta Mudug, Gudoomiyaha gobolka Nugaal ee Puntland iyo waxgaradka Mudug.

Waxgaradka Mudug ayaa tilmaamay in talaabadaan ay tahay mid aad u wanaagsan, isla markaana ninkan uu mari doono sida uu qabo sharciga islaamka.

Taliyaha qeybta Booliska Mudug Cismaan Xasan Cuuke ayaa sheegay in ay u mahadcelinayaan Ahlu Sunna oo suuro galisay in ninka gacanta lagu soo dhigo.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Fara-weyne oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ahlu Sunna iyo Puntland uu ka dhexeeyo wada shaqeyn fiican, isla markaana ay iska kaashadaan dhinacyo badan sida uu hadalka u dhigay.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY