Ahlu Sunna oo Caqabad Ku ah Wadahadalka lagu dhameynayo Khilaafka Gobolada dhexe

by Farah C/laahi | Tuesday, Apr 25, 2017 | 59 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Waxaa shalay ku ekaa waqtigii loo balamay in la soo gaba gabeeyo wada hadalka Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna ee Gobolada Dhexe, taasi oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Federaalka.

Sida horey heshiiska uu ahaa waxaa heshiiska ku xusnaa mudada u dhaxeysa 10-ka Bishan ilaa 24-ka Bishan in ay soconayaan wada hadalada dib u heshiisiinta Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna ee Gobolada Dhexe, waxaana weli aanan dhicin kulamadii labada dhinac lagu dhex dhexaadin lahaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arrinta ay ka socon weyday dhanka Ahlusunna, maadaama Ahlusunna oo la sheegay in ay dooneyso Madaxweyne ku xigeen, Saraakiil Ciidan, Wasiiro tiro badan iyo arrimo kale.

Wada hadaladii weli ma aysan furmin, waqtigii lagu balamayna wuu dhammaaday, maadaama shalay Taariikhda ay aheyd 24, waqtigana uu sii socdo, Doorashadana ay ka dhiman tahay 5 cisho oo keliya.

Doorahsada Madaxweynaha cusub ee Maamulka Galmudug ayaa lagu balamay in Magaalada Cadaado lagu qabto 30-ka Bishan, welina aysan muuqan saan saan Doorasho.

Like it? Share it!

Leave A Response