Agaasime Bahlaawi oo Ka Guuleystay Wasiir Yariisow iyo Dhuxuloow

by Farah C/laahi | Monday, Jun 12, 2017 | 46 views

Abdi M Ismail (Garsoor Online) — Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan kulan uu la yeeshay Wasiirka Warfaafinta Yariisow kala hadlay arinka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Cabdirisaaq Bahlaawi.

Madaxweynaha ayaa Yariisow ka dalbaday inuu keeno Cadeymo ku filan oo ku saabsan wixii uu ku eedeeyey Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Cabdirisaaq Bahlaawi ee ahaa Musuqmaasuq haddii uusan hayna uu dib shaqadiisa ugu laabto Bahlaawi.

Yariisow oo aan hayn wax cadeyn ah ujeedadii uu arinkaa u sameeyeyna ay ka dhicisowday ayaa ku jawaabay inuu sida ugu dhaqsiayaha badan uu shaqadiisa ugu soo laaban doono Bahlaawi.

Cabdiraxmaan Yariisow ayaa isla xalay u tagay Cabdirisaaq Bahlaawi isagoo Raaligarayn iyo Cudurdaarasho iyo Xaal marin afka ah isugu daray, isagoo ku celceliyey in uu qaldamay lagana raali ahaado, una sheegay in wixii dhacayba ay dhaceene uu shaqadiisii dib ugu soo laabto, isaguna (Bahlaawi) uu si sharuud la’aan ah uga aqbalay codsigii uu soo jeediyey iyo raali garayntii Cabdiraxmaan Yariisow.

Sheekadu fari kama qodna waxaa kal hore dhacday in arinta Musuqmaasuqa ah ee lagu soo eedeeyey Bahlaawi uusan keli ku ahayn Yariisow balse mashruucan Eedeynta beenta ah dan kasta ha laga lahaadee waxaa dhankiisa ka karkarinayey Xildh. Mustaf Dhxulow, hasa yeeshee waxaa la yiri Labadii Xaq darro ku heshiisa, Xaqa ayaa isku dira.kadib Meel la iska arkayba waxaa isku dhacay Yariisow iyo Dhuxulow taasina waxay sababtay in Mustaf Dhxulow oo uu Nabadoon Ka yahay Xildh. Dhagdheer inay kulan raali gelin iyo Cudurdaaarsho ah la qaateen Cabdirisaaq Bahlaawi isaguna uu ka aqbalay.

hadda waxa ay xaaladu maraysaa in Bahlaawi shaqadiisa dib ugu soo laabto Cabdiraxmaan Yariisow iyo Mustaf Dhuxulow ay kala fogaadeen

Laakiin waxaa jira rag kale oo xaaladan ay saameyn ku yeelatay sida Cabdinaasir Xuseen oo loo magacaabay Agaasimaha Maaliyada laakiin magacaabistiisa uu diiday Sharci darana uu ku tilmaamay Garyaqaanka Guud ee Dawladda kadibna Cabdinaasir uu ku dhex milmay Dhinaca Madaxtooyada iyo Cabdiraxmaan Alcadaala oo isna si KMG ah loogu magacaabay Booskii Bahlaawi
————————————————————
By:-Wariye Abdi M Ismail

Like it? Share it!

Leave A Response