Afahyeen Jawaari oo Tacsi u diray Umada Somaliyeed

by Farah C/laahi | Monday, Feb 13, 2017 | 69 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Alle ha u naxariistee Xildhibaan Siciid Xasan Geedi ayaa xalay ku geeriyooday isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho oo uu ku xanuunsanyey maalmihii lasoo dhaafay.

Xildhibaan Siciid Xasan Geedi ayaa Ku Soo biiray Baarlamaaka Soomaaliya Xilligii 2012-ka,Isagoo Haddana Ka mid ahaa Xildhibaanadii Muqdisho Lagu soo Doortay,wuxuuna ka Qeybgalay Doorashadii Gudoonka  Golosha Shacabka oo Muqdisho Ka Dhacday.

Xildhibaanka ayaa Waxa uu Hore Uga Mid ahaa Saraakiishii Ciidamada Xooga Dalka, Isagoo Haystay Darajada  Generaal-nimo  oo ay dowladii Kacaanka Siiysay.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa ka tacsiyey geerida ku timid xildhibaan Siciid Xasan Geedi oo ka tirsan xildhabaanadii ka qeyb galay doorashaddii lagu doortay guddoonka baarlamaanka.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response