8 Musharax oo Khudbad Ka Jeedinay Golaha Shacabka

by Farah C/laahi | Saturday, Feb 4, 2017 | 11 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Maanta ayaa la filayaa in 8 musharax ay Khudbadahooda ka horjeediyay Barlamaanka labada Gole ee Jamhuuriyada Federaalka Somalia.

Muusharaxiinta maanta hadli doona ayaa waxaa ku jira xubno la sugayo hadlkooda, kuwaas oo la qiimeyn doono.

Siyaasiyiinta Barlamaanka hortagi doona ayaa waxaa ku jira xubno ku cusub siyaasada Soomaaliya iyo kuwa kale oo horay siyaasada ugu soo jiray.

Xubnaha khudbadha ay jeedin doonaan ayaa lagu qiimeyn doonaa, waxana si gaar ah loo eegayaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo mar soo noqday Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Sidoo kale Cabdiraxman Sheekh Maxamed Faroole ayaa isan il gaar ah lagu eegayaa, madaama uu siyaasad dalka mudo dheer uu ku soo jiray.

Haddab Akhriso Magacyada xubanaha Khudbadaha Jeedin doona Maanta:

Cabdinaasir Cabdulle Maxamed – Waa Qof Cusub, waxana qurbajoog, ganacsade ah, muddo dheer ku soo noolaa dalka Maraykanka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame – Aqoon yahay soo noqday Wasiirka Qorsheynta, la taliyihii siyaasada ee Xafiiska UNSOM.

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole – Madaxweynihii hore ee Puntland, siyaasi mudo soo shaqeeyay.

Cabdulaahi Cali Axmed – Waa uu ku cusub yahay siyaasada Soomaaliya, waxbadan lagama yaqaan.

Cabulaahi Cali Xasan – Waa ganacsade muddo ku soo noolaa dalka Koofur Afrika, siyaasadana waa uu ku cusub yahay.

Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi – Wasiirkii hore ee Warfaafinta, siyaasi si fiican dhawanahan loo bartay.

Cali Xaaji Warsame – Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland, ganacsade.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response