6 Arrimood oo Somalida laga Rabo in ay ka Xoroobaan

by Farah C/laahi | Tuesday, Sep 5, 2017 | 137 views

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaciil Haruun (GarsoorNews) — Ummadda Soomaaliyeed inta ay dhawr shay ka xoroobayso Duliga waa ay ku jireysaa waxaana ay kala yahiin qodobadaas kuwan:

1- Caqiidadan qabiilka ee Diin,Wadan,Dhaqan iyo Dadnimaba ka xooga badani inta ay jirto ee ah in reer loo gaaloobo iyadoo waxii xornimo doon ahaa reer lagu dumiyey,waxii ay Soomaaliya dawlad yeelatay reer baa lagu dumiyey waxaana yaab leh in qofka soomaaliga ah qabiil jaceylka uu kala qaalisan yahay Diinta,Dawladnimada,Dadnimada iyo wax walba.

2- Cadawga koowaad ee Soomaali haysta waa caqiiqadadaasi qaldan ee qabyaalada oo ay mudada dheer soo haysteen waana in laga takhluusaa oo ay bedeshaa Islaanimo,Dadnimo iyo Dhaqan Soomaalinimo.

3- Bina’aadamku mar kasta oo uu hadaf yeesho waa uu gaari karaa marka hadii aanu Soomaali nahay aanu ahdaaf waaweyn yeelano waayo reerku waa wax yar ma isagaaba qof qaada waxaana cadaan ah qof han sare leh reer ma qaado mana dugsado.

4- Dadka madaxtinimada Soomaaliya doonaya waa in ay yeeshaan han sare oo ku tala galaan in ay ka fekeraan sidii ay dunida wax uga bedeli lahaayeen.

5- Soomaali in ay Diinteeda Islaamka dib ugu noqoto oo Islaanimadeeda ay qaadato.

6- Ummadda soomaaliyeed inta ay midoobi karaan ha midowdo oo hala isku dayo hadii ay jiraan wax aynu ku kala qeybsanahay waxaa jira wax badan oo aynu wadaagno waxaana hadii ay ummaddu ay arimahaan si fiican uga fekeraan waxaa hubaal ah in wax badan la qaban karo.

Xigasho: Sheekh Mustafe Xaaji Ismaciil Haruun

Contact us: Garsoornews1@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response