5 qodob oo Lagu soo eedeeyay Prof Samatar

by Farah C/laahi | Tuesday, Feb 7, 2017 | 28 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo eedeeyay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah Gudigga Anshaxa doorashada.

Ku dhawaad 20 musharax ayaa Gudoonka Barlamaanka Soomaaliya u gudbiyay dacwad ka dhan ah Cabdi Ismaaciil Samatar oo ay ku sheegeen in uu yahay aqoon yahan ayaa la socon xaalada Soomaaliya.

Musharaxiinta ayaa soo gudbiyay ku dhawaad 5 qodob oo uu ku eedeysan yahay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ay kami tahay in uu aflagaadeeyay Musharax Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu la safan yahay musharax gaar ah kaasi oo ah Cabdulqaadir Cosoble oo uu dagan yahay guriga uu ku lee yahay Magaalada Muqdisho, isla markaana uu ka socdo Ololihiisa doorashada.

AKhriso Qodobadda

  1. Inuu warbaahinta hore u caayey musharaxiinta qaarkood
  2. Inuu hadda saaxiib dhow la yahay mida ka mida musharaxiinta (C/qaadir Cosoble)
  3. Inuu degaankiisu yahay Hoyga Musharax Cossoble iyo xarunta ololahiisa
  4. Inuusan aqoonsanayn dowlanimada Soomaaliya
  5. Inuusan la tashan Guddiga intiisa kale, oo warbixinnada uu ka qoro doorashada ay la aamini karin.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response