5 Askari oo Lagu Dilay Qarax Miino oo ka dhacay Afgooye

5 Askari oo Lagu Dilay Qarax Miino oo ka dhacay Afgooye

0
SHARE

AFGOOYE (Garsoor Online) — Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose qarax miino oo ay askar ku dhinteen ayaa kaa dhacay xero ciidan oo halkaa ku taal.

Inta la xaqiijiyay 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda ayaa ku dhintay qaraxa halka 7 kalana ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan.

Waxaa la sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino lagu xiray Xerada, halkaasi oo ay Al Shabaab muddo saacado ah qabsadeen galinkii danbe ee shalay.

Ciidamada dowladda ayaa lagu soo waramayaa in ay howlgallo kawadaan degmada Afgooye oo shalay la soo weeraray.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxaasi, waxana ay sheegeen in askar 7 ka badan ay ku dileen qaraxii miino ee ka dhacay xero ciidanka dowladda ay ku lee yihiin Afgooye.

Dagaalamayaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa shalay dagaal kula wareegay Afgooye waxana ay gacanta ku hayeen Magaalada muddo saacada ah iyadoo ciidankii dowladda laga saaray.

Garsoor Online — AFGOOYE

LEAVE A REPLY