200 Xildhibaan iyo Xasan Sheekh oo Ku Shirsan SYL

200 Xildhibaan iyo Xasan Sheekh oo Ku Shirsan SYL

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hada kulan kula leh Xildhibaan ka tirsan barlamaanka labada Gole.

Kulanka oo ka soconaya Hoteelka SYL ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay xildhibaano gaaraya 200 oo mudane, kuwaasi oo qaar kood hadal jeedinaya.

Daadihiyaha Xafalada ayaa sheegay in 217 xildhibaan ay ku sugan yihiin Hoolka uu shirku ka socodo.

Xildhibaanada hadalka jeedinaya ayaa intooda badan ku cel-celinaya in Xasan Sheekh biri la dooran doono.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

 

LEAVE A REPLY