2 Ruux oo Ku Dhintay Gaari Lagu Rasaaseeyay Galgaduud

2 Ruux oo Ku Dhintay Gaari Lagu Rasaaseeyay Galgaduud

0
SHARE

 GALKACYO (Garsoor Online) — Inta la xaqiijiyay 2 ruux ayaa ku dhintay, 3 kalana dhaawac ayaa soo gaaray kaddib markii maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan Puntland ay rasaas ku fureen gaari rikaab ah.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa marayay deegaanka Dhabad ee gobolka Galgaduud, waxana uu ku socday wado qardo jeex ah, madaama ay Puntland mamnuucday in gaadiidka ka yimaada Galmudug ay galaan deeganadeeda.

Dadka ku dhaawacmay falkaasi ayaa loo qaaday Isbitalka Magaalada Galkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan Puntland oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan falkan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo fal nuucani oo kala ah uu ka dhaco halkaa.

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

LEAVE A REPLY