12 Musharax oo Ka Baxay Doodii TV-ga Qaranka SNTV

by Farah C/laahi | Tuesday, Jan 31, 2017 | 9 views

MUQDISHO (Garsoor Online) — Maanta oo Talaado ah waxey aheyd Maalintii loo balansanaa in Musharaxiinta u ordaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya loo qabto Dood Furan oo Baarlamaanka Soomaaliya uu soo diyaariyay,iyadoo lagu waday in Dooda si Toos ah looga daawado Warbaahinta la iska arko ama TV-yada.

12 Musharax oo ka mid ah 24 Musharaxa ee u taagan in ay u tartamaan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta Bilaabay Dooda,waxaana Doodu ay ka bilaabatay Xarunta Golaha Shacabka.

Dooda oo Mudo Kooban socotay ayaa lagu Wargeliyay Musharaxiinta in Dooda ay leeyihiin aysan Live aheyn oo aan laga daawaneyn Tv-yada.

Intaa ka dib ayaa Musharaxiintii Maanta Xaadiray Xarunta Golaha Shacabka ay iskaga baxeen Xarunta,waxaana ay sheegeen in Arrintaan ay Siyaasad ka dambeyso.

Musharaxiinta Maanta iskaga baxay Xarunta Baarlamaanka waxaa ka mid ah.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed

C.naasir Maxamed Cabdulle

C.raxmaan Sheekh Maxamed Faroole

Saciid Dani

C.raxmaan C.shakuur Warsame

C.laahi Xasan

Sakariye Xaaji Cabdi

Saciid Ciise Maxamuud

Iyo Bashiir Raage Shiiraar

Xigasho: KNN

Garsoor Online

Info@garsoornews.com

Like it? Share it!

Leave A Response