100 Xildhibaan oo Doodanaya in Aan Dib Loo Dooran Madaxweyne Xasan Sheekh

by Farah C/laahi | Saturday, Jan 14, 2017 | 75 views

MUQDISHO (Garsoor Online) —  Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ah Mudane laga soo doorto Gobolada Jubbaland ayaa sheegay in uu hormuud u yahay xildhibaano Isbadal doon ah oo kamid ah barlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

Mr. Xidig ayaa tilmaaya in wadanku uu u baahan yahay isbadal dhab ah, isla markaana isbadalku uu ka soo bilaawday Barlamaanka oo xubno badan oo cusub lagu soo kordhiyay.

Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa carabka ku adkeeyay in hadiiba isabadal ku yimid Barlamaanka ay qasabtahay in Madaxda Qarankana uu isbadal ku yimaado sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in uu hogaamiye u yahay 99 xildhibaan oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa isbadal doon ah oo ka soo horjeeda Madaxweynaha Afarta sano dhameystay ee Hassan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanka ayaa muujiyay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in la saxo qaladaadkii dhacay afartii sano ee la soo dhaafay, isla markaana ay ka fiirsan doonaan musharaxiinta tartanka hada u tagan.

Cabdirshiid Maxamed Xidig ayaa ku guuldareystay in uu noqdo Gudoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya maalmo ka hor waxana guushu ay raacday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hore u ahaa Gudoomiyaha Barlamaankii 9aad ee Soomaaliya.

Dhageyso cod Xidlhibaan Xidig

Garsoor Online — MUQDISHO

Like it? Share it!

Leave A Response