10 Musharax oo Maanta Khudbado Ka Hor Jeediyay Barlamaanka 10aad ee Somalia

10 Musharax oo Maanta Khudbado Ka Hor Jeediyay Barlamaanka 10aad ee Somalia

0
SHARE

MUQDISHO (Garsoor Online) — Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeeyay dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan Qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiye ku xigeenka koowaad iyo  Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Khudabadaha Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka oo shalay bilaabatay ayaa maanta la soo gaba gabeeyay, waxaana Guddoonka Baarlamaanka u sharaxanaa 22 Musharax, iyadoo Labo Musharax ay maanta tanaasuleen.

Musharaxiiin gaaraya 22 ayaa la dhagaysey qudbadahooda iyadoo 2 kamid ah musharaxiintaas ay ku dhowaaqeen inay ka tanaasuleen tartanka doorashada gudoonka Baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta wixii ka dambeeya isku diyaarinaya Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale ku xigeenadiisa, oo dhici doonta 11-ka ilaa 12-ka Bishan. Guud ahaan xildhibaanada la dhagaystey ayaa soo bandhigay waxqabadyada ay doonayaan iyadoo  sidoo kale ay soo gudbiyeen taariiq nololeedkoodii.

Waxaa haatan ka soconaya magaalada Muqdisho xodxodosho ay wadaan musharaxiinta, waxayna dad badan aaminsan yihiin in doorashada guddoonka baarlamaanka laga ogaan karo cida ugu dhow ee ku guuleysanaysa xilka Madaxweynaha oo aan weli la shaacin xilliga la qabanayo.

Garsoor Online — MUQDISHO

LEAVE A REPLY