Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre & Amaal Kheyre Isku Xukun Ekaa!!!!

by Farah C/laahi | Wednesday, Dec 20, 2017 | 947 views

Ninba wixii Taariikhda soo-mara ayuu wax ku tusaaleeyaaye, Aniga Sheekadaan iga dhageysta.

Hadda ka hor, Milkiilaha Xarun Ganacsi oo aan ka shaqeyn jiray ayaa si Waqti iyo Nasiib Ah (Randomly) Agaasimaha ugu dhiibay qof dumar ah, kursigaasi waxaa isku diyaarinaysay in ay la wareegto Gabar kale oo xilligaas ahayd mid fir-fircoon.

Xaruntan Ganacsi waxay ka soo baxday xarig 7 bilood ah oo dowladdu ku heysay, inta badan eedda la xiriirta xarigga Kambanigga waxay dusha uga dhaceysay Milkiilaha oo faragelin badan shaqada ku hayay.

Si uu eedahaasi isaga foogeeyo, xarig dambana looga dheeraado waxa uu Maamulkii Xarunta oo dhan faraha u galiyey Gabdhii, intii kalana waxay noqdeen Rayid dadkooda dhinac ka raaca.

Muddo laba bil ah kama soo wareegan markii qaylo dhaanta maamul ximi ay gaartay Odayga, hase ahaatee kama uusan Jawaabin illaa meel xun ay gaarto. Ugu dambeyn wuxuu gar-waaqsaday in Agaasimahan uusan kaligiis shaqada sii wadi karin, faragalin maamulna lama huraan tahay, taasi oo aakhirkii sababtay in Agaasimihii shaqada isaga tagto.

Dulucda hadalkeyga iyo biyo dhiciisa aan markaan idiin sheegee, Madaxweyne Farmaajo oo aan talo badan gelin ayaa Taladii dalka inta soo duuduubay koombo ugu riday Hassan Ali Kheyrre, sababta ugu weyn ee uu sidaa u sameynayana waxa ay ahayd in Ra’iisul-wasaarayaashii hore aan shaqadooda loo Madaxbaneyn jirin.

Laba bil kama soo wareegan markii ay Farmaajo u tagtay dacwaddii koowaad ee ka socota ina Ali Kheyrre, Bariirre, Qalbi-dhagax, Xasuuqii Zoope, Boobkii Saadka ciidamada Asluubta, Dadkii lagu laayay Naasa Hablood, Ciidankii Qaranka oo lagu sumaday Qabiil Gaar ah iyo waxyaabe kale, waxay ka dhigeen Farmaajo Fuundi Shaqadiisii ku fashilmay.

Waxaa u dambeysay laba habeen ka hor oo Siyaasigii Miisaanka Culusaa A.A. Warsame Ilaaladiisii la baabi’iyay, isagiina la dhaawacay Xabsina loogu daray.

Isweydiinteydu, waxay tahay Farmaajo Itaal Yaraa Ma Milkiilaha aan kor ku soo xusay ayuu ka liitaa oo Shirkad yar daba qabtay, halka uu isagu qaran God ku sii dhacaya ceymi weysan yahay.

Like it? Share it!

Leave A Response