Wax badan ka Ogow Doorashada Maamulka Hirshabeelle

by Farah C/laahi | Friday, Sep 15, 2017 | 99 views

 Jowhar (GarsoorNews) — Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen Doorahsada Madaxweynaha Hirshabeelle, taasi oo la qorsheynayo in maalinta berri oo Sabti ah ay ka bilaabato magaalada Jowhar.

Afhayeenka Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle C/wali Sheekh Cali oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay berri in waqtiga hore ay bilaabi doonaan Doorashada, howlaheedana ay marayaan meel wanaagsan.

Wuxuu sheegay Doorashadan in ay kor kala socon doonaan Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo xubanaha Beesha Caalamka, si uusan musuq maasuq u dhicina ay diyaariyeen aalado casri ah oo Doorashada lagula socon doono.

“Doorashada halmar ayay dhaceysaa, subaxda hore ayaan ka bilaabeynaa, Masuuliyiin  Dowladda iyo Beesha Caalamka ah ayaa kor kala soconaya, arrimaha musuq maasuqa aad ayaan uga taxadarnay,waxaan diyaarinay aalado casri ah oo arrimahaasi lagula soconayo.” Ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Doorashada.

Ammaanka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana sugidda amniga iska kaashanaya Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMIOSM, si uusan u dhicin falal ka baxsan amniga inta lagu guda jiro Doorashada.

Dhanka kale Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeallaha Dhexe waxaa ku sii qul qulaya wafuud kala duwan oo lagu wado in ay dusha kala socdaan Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wufuudan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiiro Xukuumadda ka socda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, qaar ka tirsan Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada, xubno ka socda Urur goboleedka IGAD iyo Beesha Caalamka.

Sideeda musharax ee u taagan xilka Madaxtinimada Hirshabeelle ayaa kala ah Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Maxamed Cabdi Waare, Maxamed Caruush Diirow, C/raxmaan Xasan Caddow, C/naasir Maxamed Shirwac, C/kariin Cali Nuur, Cabdi Faarax laqanyo iyo Daahir Cabdulle Cawaale.

Contact us: Garsoornews1@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response