Toogasho Caawa Ka Dhacday Magaaladda Muqdisho

by Farah C/laahi | Monday, Dec 25, 2017 | 196 views

Kooxo hubeysan ayaa ruux rayid ahaa maqribkii caawa ku dilay Xaafadda Towfiiq degmada Yaaqshiid ee Magaaladda Muqdisho.

Sida dadka deegaanka ay inoo sheegeen,Labo dhalinyaro ah ayaa fulisay dilka ruuxa rayidka ahaa.

Lama oga waxa uu yahay ruuxa dilka loo geystay,waxaana goobta gaaray oo meydka qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Dowadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaan.

Magaaladda muqdisho waxaa mudooyinkaan kusoo batay dilalka qorshaysan oo ay geystaan ragga hubeysan oo Al-shabaab u badan.

Dhanka kale Hay’adaha amniga ayaa ku guuldareystay sugida amniga, iyadoo magaaladda Muqdisho ay tahay xarunta Dowladdda Dhexe.

Xigasho: Gundhig

Like it? Share it!

Leave A Response