Taariikhda Fanaanka Ahmed Cawad Saalim“Rabsha

by Farah C/laahi | Friday, Sep 15, 2017 | 155 views

Nin Tuur leh tunkoo ku taalee
Tabtoo u seexahaayo
Ma la soo tuso

Magaceygu waa Ahmed Cawad Saalim“Rabsha” waxaan ahay fannaan Soomaaliyeed waxaan fanka kusoo biiray anigoo 13 jir ah, anigu fanka waxaan ka dhaxlay aabbahay oo ahaa fannaan kabanka aad ugu caanbaxay isaga ayaana garab igu siiyey fanka.

Ma sahlana runtii adigoo dhallinyaro ah inaad fanka caan ku noqoto iyadoo dad kaa waaweyn kaana qibrad badan ay joogaan laakiin aniga waxaas iima muuqan waxaa ii muuqatay jacaylka aan u qabo fanka waxaana ka heesi jiray aroosyada iyo munaasabadaha gaarka ah anigoo sidaas ah ayaan isbaranay mulaxanka caanka ah ee C/kariin Faarax Qaarey “Jiir” sanadku markaas wuxuu ahaa 1963dii.

Ma jirin heeso anigu aan leeyahay ee aan qaado waqtigaas laakiin waxaan xafladaha ka qaadi jiray heesaha fannaaniintii iga horreysay waxaana markii dambe ku biiray koox la oran jiray “SOUL FULL FIVE” oo la aasaasay sanadkii 1969kii meelihii aan ka tumi jirnayna waxaa ka mid ahaa xeebta Liido.

Sanadkii 1974 ayaan fursad waxbarasho ka helay dalka Sudaan anigoo jaamacadda Fanka ee dalka Sudaan kasoo bartay qoraalka Muusigga iyo sida laxammada loo sameeyo waxaana ka mid noqday fannaaniinta aadka u yar ee yaqaanna sida loo qoro heesaha.

Heesaha dadku igu barteen ee aan ku caan baxay waxaa ka mid ah, Axaddkii, dadka reer Afgooye

Laanyahay Magooshee, Bilaney Walaal iyo kuwa kale.

Allaha u naxariisto Ahmed wuxuu ku dhintay magaalada London sanadkii 2002dii

Wareysigaan waxaan ka Turjumay Wargeysta Kasmo News waana soo koobay

Like it? Share it!

Leave A Response