Siyaasiyiin Caan ah oo ka Hadlay Xiisad Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug

by Farah C/laahi | Friday, Sep 29, 2017 | 152 views

Muqdisho (GarsoorNews) — Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xiisada Galmudug, wuxuuna sheegay muhiim in ay tahay wada hadal in lagu dhameeyo mad madowga jira.

Gaas ayaa tilmaamay in wax loo baahan yahay aysan aheyn go’aankii Dowladda Federaalka ay ka qaadatay xiisada Galmudug, taasi oo aheyd in ay taageertay xildhibaano aan shir guddoon laheyn oo Hotel ku shiray, go’aamiyayna in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne (Xaaf).

Dhageyso Codka Gaas 

Dhanka kale, Senator Cabdixasan Cawaale Qeybdiid oo kamid ahaa wafdi xildhibaano ah oo dhawaan gaaray Magaalada Cadaado si ay u xaliyaan xiisada ka jirta Galmudug ayaa fariin u diray bulshada Galmudug, waxana uu ugu baaqay in ay iska qabtaan kuwa doonaya in ay dumiyaan maamulkooda.

Qeybdiid waxa uu hoosta ka xariiqay in Madaxda ugu sareeya Maamulkaasi ay isku dayeen in ay xaliyaan khilaafka jira, hase ahaatee ay ku guul dareysteen, markii Madaxweyne kuxigeenka Maamulkaasi uu sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Maamulkaasi.

Dowladda Federaalka oo masuul ka ah guud ahaan dalka ayaa waxa ay u muuqataa mid la dhacsan qaabka ay wax uga socdaan magaalada Cadaado, maadaama weli aysan muuqan kaalinta ay arrintaasi ku laheyd.

Contact us: Garsoornews1@gmail.com

Like it? Share it!

Leave A Response