SIFOOYIN NOOCEE AH AYUU LEEYAHAY HOGGAAMIYAHA DICIIFKA AHI (WEAK LEADER)?

by Farah C/laahi | Friday, Dec 22, 2017 | 144 views

1.Hogaamiyaha diciifka ahi waxa uu jecel yahay in la ammaano oo la bogaadiyo. Waayo dhaliisha uma adkaysan karo, dadkuna aakhirka waaba ay ka baqaan in uu wax-yeelo. Waxa uu leeyahay dabeecaddda maska oo cidda uu ka shakiyo waa uu baqasho dhagraa!

2. Hoggaamiyaha diciifka ahi waxa uu aad uga baqaa wax walba oo cusub, waxa bir kaga adag in uu tijaabo cusub sameeyo amma ku dhiirado wax aan hore u jirin. Waayo isbeddelka oo dhan waa uu ka baqaa. Sababta ugu weyn ee uu sida tan u yeelayaana waa baqashada uu ka qabo in uu kursigiisa waayo, amma ay uga darto.

3. Hogaamiyaha diciifka ahi waxa uu soo dhaweystaa inta u nacamlayn karta ee had iyo gooraale ammaan ku fatahi karta. Waxa uu cabsi badan ka qabaa cid dhaliil u sheegi karta. Cid walba oo dhaliishiisa tilmaanta markaaba geeska ayuu galiyaa, waxana uu u qaataa in ay ka xun tahay guusha uu gaaray oo ay cadow ku tahay.

4. Hoggaamiyaha diciifka ahi wax walba oo qaldama masuuliyadeeda wa ka gaabsadaa, guul-darrada aad ayuu uga baqaa, been badan ayuu sheegaa ballantana waa uu ka baxaa, aadna waa uu isku beddelaa oo qawlkiisu ma saldhigo.

Hoggaamiyaha noocan ahi ee sidan oo dhan u nuguli waa hoggaamiyaha ugu khasaaraha badan adduunyada. Inta hore ee uu xukunka ku cusub yahay la ma dareemo. marka se uu in muddo ah joogo ayuu heeryadiisa dib u cunaa.

Shaki kumajiro in sifahaan uu kulansaday madaxweyne farmaajo,hadaba soo lama gudboona isaga iyo kooxdiisuba iney nadhaafaan.

Fadlan madaxweyne is casil inta aadan sii ceeboobin.
Macruuf Yare

Like it? Share it!

Leave A Response