Shirka Golayaasha Xeer dejinta oo ka furmay Magaaladda Baydhaba

by Farah C/laahi | Tuesday, Dec 26, 2017 | 49 views

Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka furmay shir u dhaxeeya Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada iyo Baarlamaanka Golaha shacabka Soomaaliya.

Shirkan oo uu guddoomiynayo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,ayaa waxaa ka qeybgelaya Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Maamullada Puntland,Galmudug,Hirshabeelle,Koofur Galbeed iyo Jubaland.

Ajendaha shirkan ayaa lagu sheegay heshiisyada is afgaradka ah ee Golaha shacabka iyo kuwa dowlad Goboleedyada,sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Golaha shacabka ee Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada.

Shirkan waxaa horay u qaadday xubanaha aqalka sare ee Dalka waxaana Golaha shacabka ay sheegeen in shirkan uusan ahayn mid siyaasadeed ee uu yahay mid xeer dejin.

Waa markii ugu horreysay oo 5ta Guddoomiye Baarlamaan ee Dowlad Goboleedyada iyo Guddoonka golaha shacabka Soomaaliya ay ku kulmaan Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

Like it? Share it!

Leave A Response