Shabaab oo sheegtay in ay dagaal kula wareegeen Beled-xaawo

by Farah C/laahi | Monday, Sep 11, 2017 | 37 views

Ururka Al-shabaab ayaa saakay aroortii weerar saf balaaran waxa ay ku qaadeen fariisin Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Shabaabku waxa ay sheegeen saldhiga Ciidanka Jubbaland ay ku sugnaayeen in dhowr jiho ay ka weerareen, taasina ay sababtay in halkaasi uu ka socdo dagaal qaatay mudo kooban oo Saacad la siman.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen weerarkooda marka hore in ay ku bilaabeen qarax, kaasi oo ay sheegeen in loo uu ahaa mid culus.

Shabaab sidoo kale waxay sheegeen in guud ahaan ay la wareegeen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, ayna ka baxeen Ciidamada Jubbaland, balse ilaa hada ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijin karta in Shabaab ay la wareegeen degmadaasi.

Waxaa sidoo kale aanan weli la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama ay adag tahay helista xogta rasmiga ah ee weerarkaasi.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay maqleen weerar ku bilowday marka hore qarax, kadibna la isku adeegsaday rasaas fara badan, oo ay sheegeen in ay qal qal ku abuurtay, maadaama xilli hore ay aheyd.

Maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Ciidamada weli kama aysan hadlin weerarkan Shabaabka ay sheegeen in ay ku qaadeen fariisin ku taalla duleedka degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response