RW Kheyre khatar ayuu ku yahay dhismaha Dowladnimada Soomaaliya

by Farah C/laahi | Thursday, Dec 21, 2017 | 63 views

Waa Ogahay in aan la hadli karin iyada oo uu jiro Dastuur kmg ah, oo xuquuqda iyo Xorriyaadkana si fiican u Qeexaya, haddana ficilka xukuumaddu waxa uu u muuqda sida in ay laashay Dastuurka, dalkuna yahay Baarlamaan iyo Maxkamado la’aan.

Raisalwasaaruhu isaga oo ku cusub siyaasadda, dulqaadkiisu aad u yar yahay ayuu ku darsaday fudeyd iyo u fiirsasho la’aan,

Sida in uu maamulayo danihiisa gaarka ah ayuu dalkii oo u dhexeeye laamaha dowladda iyo Mucaaradka abuubulan ama shaqsiyaadka ah ee hadda xisbiyada loo sameynayo waxa uu hadba gelinayaa xaalad khatar ah.

Kiiskan ugu dambeeya ee Abdirahman Adishakur; lagu weeraray xilli Habeen ah dadna ku dhintay waxa madaxweynaha loogu sheegay in Cabdiraxmaan la soo xirayo, laptop kiisa iyo telefoonkiisa iyo Emailadiisana la baarayo, Waxa ay noqotay in Madaxweynuhu ka odayeeyo Dhaqan xumida siyaasadeed ee Raisalwasaare Kheyre.

Waxa uu Raisalwasaaruhu helay fursad fiican oo uu ku maareeyo howlaha faraha badan ee xukuumadda, balse fursaddaas waxa sanad dhan lumiyey sida waalida ah ee uu uga falcelinayo Dhalliilaha xukuumadda,

Kama fakaro falcelinta Tallaabooyinka uu qaadayo ka imaan doonta (Backlash), sidaas awgeed Madaweynuhu 10-Ka bilood ee tagtay waxa uu xallinayey Deganaansho la’aan siyaasadeed oo uu RW Kheyre u soo jiiday Dowladda.

Waxa uu qaataa go’aan aan la rogrogin oo aan laga sii tashan waxa ka iman doona, bal u fiirso sida uu Arrintii dhoofinta Qalbidhagax ugu maldahay madaxweynaha, ku soo xir sida uu u maamulay qalalaasihii uu geliyey gobolada, iyo go’aanka dad si nabad ah u hurdaya in xabbado lala dhaco saqdhexe.
madaxweynaha ayay qasab ku noqotay in uu xalliyo

#Ka gungaarid
Odayaasha ku jira Baarlamaanku waxa ay RW u sameyn karaan la talin Dhinacyada Siyaasadda, Dhaqanka,Qaanuunka iyo Sooyaalka Dowladnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sababta aan sidaas u leeyahay waa
Kow: Dalka muddo dheer ayuu ka maqnaa sidaas awgeed faham fiican kama haysto

Laba Xilka weligii loolan ayaa ka jiray, marka haddii la maamulayo xukuumad ku timid 4.5, ma aha in loo dhaqmo sida in la maamulayo waddan ku dhisan Xisbi iyo Cod

Mahadsanid

Axmed Guutaale

Like it? Share it!

Leave A Response