Muqdisho oo Lagu Dilay Gudoomiye Xaafadeed Dowladda u shaqeynayay

by Farah C/laahi | Saturday, Dec 23, 2017 | 45 views

Sida wararku ay sheegayaan Waxaa Saakay Degmada Waaberi Dabley hubeysan ay ku dishay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir Gudoomiye Laameed.

Kooxda Dilka Geysatay oo la sheegay in ay hubeysnaayeen ayaa la sheegayaa in ay saarnaayeen Mooto, kadib Dilkane ay goobta isaga baxsadeen sida Mustaqbal ay u sheegeen Illo Wareedyo.

Ciidamada Katirsan Dowladda ayaa goobta dilka uu dhacay Gaaray, iyagoona Sida Caadada ah sameeyey Howlgalo kooban oo ay ku baarayeen dadka ay ku tuhmayaan dilka Gudoomiye Laameedka.

Ma jiro war kasoo baxay Maamulka Degmada Waaberi iyo Hay’adaha Amaanka Dowladda oo ay kaga hadlayaan Dilka Gudoomiye Laameedka iyo howlgalkii xigay ee ay sameeyeen Ciidamada Dowladda.

Sidoo kale Ma jirto Cid sheegatay Mas’uuliyadda Dilka Gudoomiye Waaxeedkaan.

Like it? Share it!

Leave A Response