Maxkamadda gobolka oo Sheegtay in Gardaro Lagu Weeraray A.A.Warsame

by Farah C/laahi | Thursday, Dec 21, 2017 | 46 views

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sii deysay Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame  kaddib markii lagu waayay eedihii loo soo jeediyay.

C/Raxmaan oo Shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Makxmadda ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay siideyntiisa,waxaana uu ku baaqay in sharciga la ilaaliyo.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in Maxkamadda qeybteeda 1aad ay dhamaatay islamarkaana qeybta 2aad ay dhimantahay sida uu sheegay.

C/Raxmaan ayaa sheegay in Weerar gardarro ah lagu qaaday islamarkaana la bur buriyay hantidiisa,istaafkiisana la laayay waliba si sharci darro ah.

Xildhibaannada Golaha shacabka ayuu ugu baaqay in ay la xisaabtamaan Madaxda dalka oo uu sheegay in khaladaad ay geleyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response