Maxkamadda Gobolka Nugaal oo Xukun ku Riday Dhalinyaro Dhac Ka geystay Garoowe

by Farah C/laahi | Monday, Dec 25, 2017 | 38 views

Maxkamada Darajada koowaad ee gobolka Nugaal, ayaa xukun ku riday lix dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay in ay ku kaceen falal liddi ku ah amniga iyo xasiloonida.

Maxkamada ayaa dhalinyaradaan ku riday xukun labo sanno ah, kadib markii lagu helay In ay dhaawac ugeysteen Haweeney, Sidoo kalane ay ka furteen moobaylkeedii Dhibbane lagu magacaabo Sundus Cabdiraxmaan Maxamed.

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud, Maxamed Xareed Cali, ayaa sheegay in dhalinyaradaan la Xukumay ay ahaayeen arday maalintiina waxbarta habeenkiina caadaystay in ay dadka jidadka u galaan oo ay furtaan.

Waxa uu sheegay Maxamed Xareed in Cadeemo la horkeenay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal, isla markaana ay ku qanacday, sidaana ay ku riday Xukunka.

Waalidiinta ayuu ka dalbaday in la socdaan Ubadkooda, waxa uuna sheegay mar hadii falal lagu qabto in aanan ka daba tag lahaan doonin, balse kahor tagga ay iyagu leeyihiin sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal Maxamed Cali Xareed ayaa codsaday in shacabka ay Laamaha ammaanka ku wargaliyaan haddii ay arkaan shaqsiyaadka ku howlgan falal nuucaan oo kale ah.

Ka sokoow Xabsiga ay ku xukuman yihiin Dhalinyarada, waxa uu tilmaamay in ay heli doonaan Dhaqan Celin loo sameyn doono si aysan mar dambe ugu kabsoomin falalkaan oo kale.

Magacyada dhalinyarada la xukumay.

Saacid Cabdiqaadir Xasan, Ina Xiddo Xasan, Waxaa lagu xukumay 2-sanno oo Xabsi ah.

Cabdinajiib Maxamed Cabdiraxmaan, Ina Seynab Cabdiraxmaan, waxaa lagu xukumay 2-sanno oo Xabsi ah.

Maxamuud Cabdiqaadir Xuseen, Ina Shariifo Xasan, Waxay Maxkamaddu ku xukuntay 2-sanno oo Xabsi ah.

Cabdifitaax Salaad Maxamed , Ina Aamino Warsame, Waxaa lagu Xukumay 2-sanno oo Xabsi ah.

Shaakir Cabdi Nuur Maxamed, Ina Raxmo Warsame, Waxay Maxkamadda ku xukuntay 2-sanno oo Xabsi ah.

Iyo Jaamac Cabdi Jaamac, Ina Maandeeq Maxamuud, Waxaa lagu xukumay 2-sanno oo Xabsi ah.

Waxaa jira Dhalinyaro kale oo ku jira Gacanta Ciidamada Ammaanka Puntland iyagoona ku xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Garoowe, waxayna ku eedeeyeysan yihiin Kiisas u badan dhac Xiliyadii Habeenkii ay geysanayeen.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Puntland ayaa guda gali doonto qaadista kiis dacweedyada Xukun sugayaasha u xiran in ay ka qeyb qaadanayeen in ay Xiliyada Habeenkii ay dadka dhacayeen.

Like it? Share it!

Leave A Response